Talaado 12- Nov-2024 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi Xildhibaano ah uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay maanta Magaaladda London ee caasimadda dalka Ingiriiska.
Safarka shaqo ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe uu ku tagayo magaalada London ayaa timid kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Dowladda Ingiriiska.