{DAAWO SAWIRADA} Wafdiga Soomaaliya ee Shirweynaha COP29 ee Baku.

0
60
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Salah Ahmed Jama, ayaa hoggaaminaya wafdiga heer sare ah ee Soomaaliya uga qayb galaya Shirweynaha Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada, ee COP29, kaas oo ka qabsoomaya magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.
Shirkan muhiimka ah ayaa waxa uu diiradda saarayaa dadaallada caalamiga ah ee lagu wajahayo Isbeddelka cimilada, iyadoo Soomaaliya ay si firfircoon u mataleyso danaha iyo dedaalada ay ugu jirto la tacaalidda saameynta daran ee Isbeddelka cimilada.
Mudane Salah Ahmed Jama, ayaa shirkan uga qayb galaya mowduucyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: adkeynta iskaashiga caalamiga ah ee ku saabsan la tacaalidda Isbeddelka cimilada, taageerada dhaqaalaha cagaaran lagu taageero dalalka soo koraya iyo tamarta nadiifka ah, iyo kordhinta taageerada dhinaca bini’aadamnimada iyo xaaladaha deg-degga ah ee ka dhasha masiibooyinka dabiiciga ah ee saameeya Soomaaliya iyo dalalka gobolka.
Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ay sida weyn u saamaysay isbedelka cimiladu, waxaana ay soo bandhigeysaa qorsheyaal cad oo ka turjumaya dadaallada ay Xukuumadda DanQaran ugu jirto wax ka qabashada saameyntaas.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku dadaaleysaa sidii loo heli lahaa xal waara oo lagu yareyn karo saameynta cimilada, lana horumarin karo awoodda bulshada Soomaaliyeed ay ugu diyaar garoobi karaan xaaladaha cimilada ee sii adkaanaya.
466785328 1065257388974200 6963764268997386728 n 466520824 1065257405640865 2809042588514409272 n 466492912 1065257382307534 3984953996424683572 n 466393726 1065257415640864 5206831444735323962 n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here