spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamo dheeraad ah Oo la dejiyay duleedka Magaalada Baydhabo

Sabti 30, Nov 2024 {HMC}  Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu amar kubixiyay in ciidamo dheeraad ah lageeyo Duleedka Magaalada Baydhabo si ay uga hortagaan weerarada AS.

Saraakiisha Militeriga ee ciidamada Daraawiishta ee Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidankaan loo diyaariyay saldhigyo ay banaanka hore ee magaalada ka sameesanayaan si loo hakiyo weerarada Hoobiyeyaasha ah ee ay AS ku weeraraan gudaha magaalada iyo Garoonka Baydhabo.

Dhowr jeer waxaa dhacday in AS ay duleedka Magaalada ay kasoo weeraraan gudaha magaalada gaar ahaan saldhigyada ciidamada Darawiishta ee Koonfur galbeed intoodi ugu badana waxa ay dhacaan xiliyada habeenkii.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiisha ciidanka oo dhowaanahaan kulamo gaar gaar ah ka lahaa amaanka guud ee Magaalada Baydhabo ayaa tani waxa ay u muuqataa mid lagu xoojinayo amaanka gobolka Baay.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ciidamada Koonfur Galbeed waxa ay howlgalo gaar ah ay ka sameenayeen goobo kamid ah degaanada Koonfur Galbeed oo lagu tuhmaayo inay ka dhaq dhaqaaqayaan AS.

WARARKA