Sabti 30, Nov 2024 {HMC} William Ruto Madaxweynaha Dalka Kenya oo ka hadlayay Shir Madaxeedka 24-aad ee Caadiga ah ee Madaxda dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ku beegan sanad-guuradii 25-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii EAC ayaa sheegay in isaga, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud, iyo Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay ka wada hadli doonaan si loo yareeyo xiisadda ka jirta Geeska Afrika.
“Madaxweyne Museveni, aniga, Walaalkeey Xassan Shiikh, iyo Ra’iisulwasaare Abiy, waxa aan qorsheyneynaa in aan kulan yeelanno, si aan sidoo kale ugu yareyno xiisadda hadda ka taagan Geeska Afrika,” ayuu Madaxweyne Ruto yiri isagoo ka hadlayay shirka ka socda magaalada Arusha ee dalka Tanzania.
“Maxaa yeelay, nabadda Soomaaliya, xasilloonida Soomaaliya waxa ay si mug leh qeyb uga tahay xasilloonida gobolkeenna,” ayuu sii raaciyay.
Ruto ma sheegin goorta iyo halka uu kulanku ka dhacayo.
Kani ayaa noqonaya isku-daygii u danbeeyay ee lagu doonayo in lagu dhammeeyo xiisadda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee 1-dii Jannaayo Addis Ababa ay ku gaareen Itoobiya iyo Somaliland.
Dhowr wareeg oo wadahadal ah oo labada dal ku dhexmaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa fashilmay.
Sida ku cad heshiiskii 1-dii Janaayo, Soomaaliland waxa ay oggolaatay inay 20 kiiloomitir (12 mayl) oo xeebteeda ah muddo 50 sano ah ka kirayso Itoobiya oo doonaysa inay ka samaysato saldhig ciidan iyo deked ganacsi.
Taas beddelkeeda, Somaliland waxay sheegtay in Itoobiya ay siinayso aqoonsi rasmi ah, inkasta tani aysan marnaba xaqiijin Addis Ababa.
Dowladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir aan fadhin iyo dagaal dhuleed, iyadoo laba dagaal uu dhexmaray dabayaaqadii qarnigii 20-aad.