spot_imgspot_imgspot_img

Agaasimihii hore ee NISA oo eedeeyn u jeediyay Madaxda Mucaaradka Soomaaliya.

Axad 01, Dec 2024 {HMC} Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal ui ciwaan uga dhigay “𝑴𝙐𝑪𝘼𝑨𝙍𝑨𝘿𝑲𝘼 𝙃𝑨𝙇 𝘽𝑨𝘼 𝙎𝑬𝙀𝑮𝙏𝑨𝙔, 𝑾𝘼𝑳𝙄𝑺𝙀 𝘿𝑨𝘽𝑨 𝑸𝘼𝑩𝘼𝑺𝙃𝑬𝙀𝒀 𝑳𝙀𝑬𝙔𝑰𝙃𝑰𝙄𝑵” Fahad ayaa qoraalkaan uga hadlay qadiyadda mucaaradka ee arrinta Jubbaland.

Wuxuu sheegay in doodaha mucaaradka ay ku qurxoonaa lahaayeen inay ku qotomaan afkaar iyo aragti oo aysan noqon ‘mucaradnimo soo taagan kaliya.’

“Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh lagu diidan yahay hirgalinta dastuur aan la isku raacsanayn iyo doorasho aan heshiis lagu ahayn, sidee baa loogu hambalyeynayaa Axmed Madoobe, oo la ogyahay inuusan qabanin doorasho xalaal ah oo hufnaan iyo wada tashi aan ku dhisnayn,” ayuu yiri Fahad Yaasiin oo dagaal soo jireen ah uu kala dhexeeyo Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay in Axmed Madoobaha ay mucaaradku taageereen uu baddalay dastuurkii Jubbaland, isla markaana toshay shaar la eg oo u ogolaanaya inuu xilka u tartamo laba jeer wax ka badan.

“Mucaaradnimo ku dhisan ku xumayn waxay dhashaa inaad lumiso jihaynta siyaasada, saxna maahan iney dhaqan noqoto in la taageero maamullada markay sharciga ku tumanayaan, iyadoo haddana Dowlada Federaalka lagu maagayo markay ku kacdo isla ficilladaas,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Isagoo talooyin siinaya mucaaradka ayuu sheegay inay haboon tahay in aragtiyadooda ay dhinac isku raacdo oo ay mabaadii’ ku saleeyaan, si mowqifkooda iyo qowlkooda loogu kalsoonaado.

“Waxaa iga su’aale goormaan gaaraynaa mucaarad ku dhisan qiyam iyo mabaadi’ joogta ah?” Ayuu su’aalay Fahad Yaasiin.

Sidoo kale Fahad ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu soo arkay mucaaradnimo bilaa mabda’ ah hadaladeeda sida ay isaga hor imaanayaan.

“Xanuunka ay leedahay mucaaradnimo noocaas ah waxaa laga warsan karaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta dhibbane u ah khudbadihiisii waaguu mucaaradka ahaa,” ayuu yiri Fahad Yaasiin oo caawa soo saaray qoraalkaan.

Mucaaradka ay hoggaamiyaan Sheekh Shariif, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Kheyre ayaa si cad u taageeray Axmed Madoobe, iyagoo ku xumeynaya saaxiibkoodii hore Xasan Sheekh oo hadda talada dalka haya.

WARARKA