spot_imgspot_imgspot_img

Gollaha Wasiirada oo Siyaasi caan ah oo u magacaabay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha DFS

Khamiis 12, Dec 2024 {HMC} Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta loo magacaabay inuu noqdo agaasimaha guud ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha, kadib soo jeedin ka timid wasaaradda amniga gudaha

 

Magacaabista Dhuxulow ayaa waxaa isla maanta go’aan ka gaaray golaha wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay, kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho

 

“Golaha Wasiirrada xukuumadda jamhuuriyadda federaalka soomaaliya ayaa ansixiyey soo jeedinta wasaaradda amniga gudaha ee magacaabista Agaasimaha Guud ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha, in uu noqdo Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha oo lagu shaaciyay magacaabistan

 

Mustafe Dhuxulow oo ah siyaasi rug-cadaa ah aya beddalaya Axmed Siciid Maxamed oo horay xilkan u hayay, isla markaana la magacaabay markii uu dalka ka cararay agaasimihii hore ee hay’adda Cabdul oo mar lagu eedeeyay musuq-maasuq, balse lagu waayay

 

Magacaabista Dhuxolow ayaa la hadal-hayay maalmahan, waxaana ugu dmabeyn maanta shaaciyay xubnaha golaha wasiirada oo ku magacaabay shirkooda todobaadlaha ah

 

Dowladda Federaalka ayaa haatan wadda tallaabooyin isbeddal ah, waxaana ay ahayd maalin kahor markii xilka laga qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} oo lagu beddalay Maxamed Axmed Amiir

 

Waxaa sidoo kale la filayaa inay dhacaan isbeddallo kale oo saameynayaa shaqsiyaad iyo hay’ado waa wayn oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

WARARKA