Jimco 20 Dec 2024 {HMC} Magaalada Hargeysa ayaa saaka waxaa gaari laga dhex helay meydka wiil iyo gabar dhallinyaro ah, sida ay sheegeen booliska Somaliland .
Labadan qof ayaa laga soo dhex saaray gaari yar oo nooca raaxadda ah, oo yaalay degmada Gacmo-dheere ee caasimadda Hargeysa.
Wiilkan iyo gabadhan oo lagu kala magacaabi jiray Xamse Axmed Yuusuf iyo Huda Axmed Sheekh – sida ay baahiyeen laamaha ammaanka, ayaa maydkooda la geeyey Isubitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo baaris ku saabsan sababta keentay geeridooda lagu samayn doono.
Ciidanka Booliska Somaliland, oo war qoraal ah ka soo saaray dhacdadan labada qof ayaa sheegay in iyaguna ay dhankooda baaris ku samaynayaan waxyaabaha keenay geerida labada qof.
“Boolisku waxa uu bulshada u xaqiijiyay in baadhista kiiskaasi ay socoto , waxaana marka ay baadhitaanku dhammaado bulshada la wadaagi doonaa natiijada kiiskan,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen booliiska.






