spot_imgspot_imgspot_img

Kulan Dadweyne oo lagu xoojinayo iskaashiga wax ku oolka ah ee u dhexeeya dowladaha hoose, laamaha amniga oo laga daah-furay Degmada mahas ee Gobolka Hiiraan

22, Dec-2024 {HMC} Kulanka wadahadalka bulshada wuxuu ujeedkiisu ahaa in lagu kordhiyo wacyiga iyo in la dhiirrigeliyo wadahadalka dhexmara saamileyda muhiimka ah ee bulshada — oo ay ku jiraan hogaamiyeyaasha dhaqanka, haweenka, iyo Culumada diinta — si loo iftiimiyo doorkooda muhiimka ah ee nabadda iyo amniga ee bulshada dhexdeeda.

Wasaaradda Amniga HirShabelle ayaa so qaban qaabisay kulankani oo socdo malinti 2aad, Iskaashigani wax ku “oolka ah ee u dhexeeya dowladaha hoose, laamaha amniga, iyo bulshada waxey aas-aas u tahay dhisidda nabad iyo amni waara.

Waxaa kulannadaan wacyigelin looga hadli doonaa doorka weyn ee ay qabtaan culimada diinta iyo odayaasha dhaqanka ee bulshada dhexdeeda, waxana ay dowladda sare u qaadeysa doorkooda ku aaddan dhiirrigelinta is-dhexgalka bulshada iyo hagaajinta xiriirka booliiska iyo bulshada kaddib dhowr sano oo ay Kooxaah Nabad diidka ah ka talinaayen deeganno hoostego degmada Mahas .

Iyadoo la kaashanayo Mashruuca Booliiska ee UNDP-Japan, wasaaraddu waxay qaaday tallaabo lagu horumarinayo hanaan ka soo bilowda bulshada hoose.

Hindisahan wuxuu diiradda saarayaa qorshayaasha booliiska ee deegaanka si loo wajaho caqabadaha amniga ee bulshada gaarka u ah. Sido kale waxaa logu gol-leeyahay in si dhow u wada shaqeeyaan dowladaha hoose, booliiska, iyo wakiillada bulshada, iyo sidoo kale wacyigelinta iyo kobcinta awoodda culimada diinta iyo odayaasha dhaqanka si ay door muuqda uga qaataan horumarinta is-afgaradka bulshada iyo wada shaqaynta booliiska iyo bulsha Kulannadani aya socon dono muddo afar maalmood ah iyada oo ka qeyb-galayaashu qaadan doonaan casharro muhiim u ah isku xerka Bulshada iyo booliiska , Kajortagga iyo yareynta dambiyada ka dhaco deegaanka,xallinta qilaafaadka, Xojinta iyo dhisidda kalsoonida bulshada ee Ciidanka ammaanka iwm .

WARARKA