Axad 02, Feb 2025 {HMC} Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa digniin dadweyne soo saartay kaddib markii cudurka Ebola nooca loo yaqaaan (Sudan Ebola Virus Disease) laga xaqiijiyay dalka deriska la ah ee Uganda.
Sida ay qortay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) fayraskaan Sudan waxuu lamid yahay lana bahyahay fayraska Ebola, waana xanuun darran oo cadadka dadka uu ku dhaco dhimashoodoodu badantahay qiyaastiina gaadhayso sida ay sheegtay hay’addu 40% Illaa 70% marka la eego safmareenadiisii hore.
Waxayna sidoo kale Hay’adda Caafimaadku Adduunku xustay in maqnaanshaha dawadiisa iyo hababkiisa ka hortag ay keenayso saamayn ba’an uu yeelan karo xanuunkani.
Xoghayaha Guud ee Caafimaadka Dadweynaha dalka Kenya, Mary Muthoni, ayaa bayaan ay soo saartay Jimcahii ku sheegtay in dowladda ay ka go’an tahay badbaadinta muwaadiniinta maadaama xadka Kenya iyo Uganda uu yahay mid furan. Waxay xustay in la xoojin doono kormeerka dhammaan goobaha laga soo galo dalka.
“Marka la eego xaaladdan, waxaan dooneynaa inaan bulshada u xaqiijinno in Wasaaradda Caafimaadka ay ka go’an tahay ilaalinta caafimaadka iyo badbaadada dhammaan dadka Kenyaanka,” ayay tidhi Muthoni.
“Sidoo kale, qiimeyn degdeg ah oo lagu sameynayo awoodda dalka ee ka jawaabista cudurka ayaa socota, kadibna waxaa la diyaarin doonaa qorshe dhammeystiran oo hagaya diyaargarowga iyo ka-hortagga Ebola. Dadaal ahaan, waxaa la xoojiyay nidaamka dabagalka cudurrada ee dhammaan gobollada iyo goobaha laga soo galo dalka.”
Xoghaye Muthoni waxay muwaadiniinta siisay talooyin badbaado noqon kara si looga hortago faafitaanka fayraska halista badan
Sida ay qortay Hay’adda Caafimaadka Adduunka Cudurka fayraska Sudan waxaa markii ugu horreysay laga helay koonfurta Sudan bishii Juun 1976. Tan iyo markaas, fayrasku wuxuu soo laba kacleeyay waqtiyo kala duwan, waxaana ilaa hadda – ka hor faafitaanka hadda jira – la diiwaangeliyay siddeed safmareen (outbreak) oo uu keenay Fayraska Suudaan shan jeer oo Uganda ah iyo saddex jeer oo Sudan ah.
Si looga fogaado faafitaanka cudurka, dadweynaha waxaa lagu dhiirrigeliyay in ay ka fogaadaan xiriir toos ah oo ay la yeeshaan dadka cudurka qaba, xoolaha cudurka qaba ama waxyaabaha laga helo.
Sababta oo ah fayrasku wuxuu ku faafi karaa dareerayaasha jirka ama taabashada tooska ah ee qof qaba fayraska Ebola ama xoolaha iyo waxyaabaha laga helo xoolaha cudurka qaba.
“Cudurkan wuxuu ku faafo dadka dhexdiisa marka ay jirto taabasho toos ah (marinada jidhka ee jaban ama xuubabka jilicsan), dhiigga, dheecaanka, xubnaha ama dareeraha kale ee jirka ee qofka cudurka qaba, iyo walxaha ay ka mid yihiin gogosha iyo dharka uu taabtay qof cudurka qaba,” ayay tidhi xoghaye Muthoni.
Calaamadaha ugu horreeya ee cudurka Ebola waa qandho, madax xanuun, shuban, matag iyo dareemid daal xoogan. Marxaladaha dambe ee cudurka waxaa lagu gartaa dhiigbax ka yimaada daloollada jirka.
Qof kasta oo muujinaya astaamaha cudurka waxaa lagula taliyay inuu si degdeg ah uga raadsado daryeel caafimaad xarumaha caafimaadka, islamarkaana laga fogaado in bukaanka lagu daaweeyo guryaha.
Qoysaska ay ka dhinteen dad qaba cudurka Ebola waxaa loo digay in aysan taaban ama mayrin meydka, maadaama ay tahay in si nabadgalyo leh loo aaso.
“Fayrasku wuxuu si fudud ugu gudbi karaa xubnaha qoyska ama shaqaalaha caafimaadka haddii aysan wadan qalabka ilaalinta shakhsi ahaaneed (PPE) xilliga ay daryeelayaan qof cudurka qaba ama marka la maamulayo meydka qof cudurka u dhintay,” ayay sheegtay Muthoni.
Sidoo kale, dadweynaha waxaa lagula taliyay in ay ka fogaadaan xiriirka tooska ah ee xayawaanka duurjoogta ah ee nool iyo kuwa dhintay, hilibkooda, saxaradooda iyo dareerahooda.
Dalka Uganda ayaa xaqiijiyay in cudurka Ebola laga helay caasimadda Kampala, iyadoo qofkii ugu horreeyay ee cudurka qaba uu u dhintay Arbacadii lasoo dhaafay
Hay’adda Caafimaadka Adduunkuna waxay soo jeedisay wada-shaqeynta dalalka deriska ah in la xoojiyo si loo isku waafajiyo hababka warbixinta, loo sameeyo baadhitaanno wadajir ah, loona wadaago xog muhiim ah wakhtiga dhabta ah. Iyo in sidoo kale dalalka ku hareeraysan [Uganda] ay xoojiyaan hawlaha diyaar-garowga si loo fududeeyo ogaanshaha kiisaska hore, go’doominta, iyo daaweynta.