spot_imgspot_imgspot_img

Puntland oo War Kasoo Saartay Duqeynta Cirka uu Mareykanka Ka Geystay Puntland

Axad 02, Feb 2025 {HMC} Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxtooyada maamul-goboleedka Puntland oo lasoo dhigay barta Facebook ayaa lagu sheegay in Puntland ay uga mahad-celineyso saaxiibbada adduunka ee ka caawiyay howlgalka kooxda Daacish ee ku sugan qeybo ka mid ah maamulka.

Qoraalka ayaa gaar ahaan loogu mahad-celiyay dowladda Mareykanka oo sheegtay inay duqeymo cirka ah la beegsatay kooxda Daacish.

Puntland ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay wadday howlgal ballaaran oo kooxdan looga saarayo halkaas.

“Iyadoo maanta oo u danbeysay duqeyntii dhacday lagu dilay xubno xilal sarsare ka hayey ISIS (Daacish) Howlgalka oo hadda galay wejigiisa labaad, ayaa Ciidanka Dowladda Puntland wejigii koowaad ka gaareen guulo badan, waxaana ka go’an Dowladda Puntland in Argagixisada Daacish laga sifeeyo deegaannada ay ku dhuummanayaan.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu bixiyay amarka cirka looga duqeeyay sarkaal weerarada qorsheeya iyo kuwa kale oo ka tirsan kooxda IS ee Soomaaliya.

“Kuwan dadka dila, ee aan ka helnay godad ay isku qarinayeen, waxay khatar ku ahaayeen Mareykanka iyo isbahaysigiisa”, ayuu yiri Madaxweyne Trump oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.

“Weerarka waxaa lagu burburiyay gododkii ay ku noolaayeen, waxaana la dilay argagixiso badan kuwaas oo aan marna dhibaateyn doonin shacabka.”

WARARKA