Axad 02, Feb 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa caawa sheegay in uu amray weerar cirka ah oo ka dhan ah madaxda kooxda Daacish ee Soomaaliya.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu madaxweyne Trump ku sheegay in duqeynta lala beegsaday saraakiisha qorsheysa weerara iyo kuwa kale oo iyaguna ka tirsan Daacish.
“Gacan ku dhiiglayaashaasi oo aanu ka helnay iyaga oo ku dhuumaaleysanaya godad, ayaa khatar geliyay Mareykanka iyo xulufadeenna. Duqeymaha ayaa burburiyay gudadki ay ku noolaayeen, waxana lagu dilay in badan oo ka mid ah argagixisada iyadoo aysan wax dhibaato ah kasoo gaarin rayidka.”
Ma jirin faah faahin dheeraad ah oo arrintaasi ku saabsan.