spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle oo Dhiirigalin ugu tagay Ciidamo ku sugan furimaha dagaalka.

Axad 2, March 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Janeraal Sahal Cabdullaahi Cumar oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar iyo masuuliyiin kale ayaa maanta dhiirigelin ugu tagay boqolaal ka tirsan Ciidamada xaq u dirirka deegaanka ee ku sugan deegaanka Xalfooleey oo dhacda xadka kala qeybiya goballada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhaxe.

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Ciidamada xaq u dirirka deegaanka ku boggaadiyay doorka ay ku leeyihiin Dagaalka Dalka looga saarayo kooxda AS isagoona sheegay in dowladdu ay laba jibaarayso dadaalkeeda garab istaagga Ciidamada deegaanka.

Kooxda AS ayaa culees xoogan soo saartay Gobolada Hiiraan iyo SHabeelada Dhaxe halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay dagaalo culus ku dhax-maray ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka oo is garabsanaya iyo kooxda AS.

WARARKA