Axad 2, March 2025 {HMC}ย Saraakiil sare oo ka tirsan Xamaas ayaa Sabtidi sheegay, in wareeggi ugu danbeeyay ee wadahadallada wajiga labaad ee heshiiska xabbad joojinta Israaโiil iyo Xamaas aanan laga gaarin wax hurumar ah.
Wadahadallada kordhinta heshiiska xabbad joojinta ayaa waxaa dhinacyada u kala dab qaadaya, saraakiil ka kala socota Mareykanka, Masar iyo Qatar, waxana kulamadi ugu danbeeyay ay maalmahani ka dhacayeen magaalada Qahira ee caasimadda Masar.
Wajiga koowaad ee heshiiska ayaa ku ekaa Sabtidi shalay, hase yeeshee heshiiskaasi ayaa dhigayay in aanan xabbada la billaabin inta ay socdaan wadahadallada loogu gogol xaarayo wareegga labaad ee xabbad joojinta labada dhinac.
Rajada ayaa ah in la dhameeyo colaadda hadda ka taagan Gaza ee ay kumannaanka kun ee qof ku dhinteen. Xamaas ayaa dalbatay in dhammaan ciidanka Israโil ay ka baxaan Gaza, halka Israโil ay dooneyso in lasoo celiyo la heystayaasha ku haray Gaza. Israโil waxay sheegtay in 32 ka mid ah 59-ka la heyste ee ku haray gacanta Hamaas ay dhinteen.
Wajigi koowaad ee shalay dhamaaday ayaa suurageliyay hakinta dagaal socday muddo 15 bilood ah. Waxaa lagu sii daayay 33 la heyste oo ku jireen 8 meyd ah, halka Israโil ay dhankeeda sii deysay ku dhawaad 2,000 oo Falastiiniyiin ah.