spot_imgspot_imgspot_img

Askar & Taliyahoodii oo kasoo baxay furimaha hore ee dagaalka oo la xiray

Isniin 3, March 2025 {HMC} Taliye hurin oo katirsanaa milatariga Soomaaliya iyo askar kale oo lagu eedeeyay in amar laโ€™aan uga soo baxeen furumaha hore ee dagaalka ayaa xabsiga la dhigay, waxaana askartaasi ku socda baaritaanno lagu ogaanayo sababta ay furumaha uga soo baxeen.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur (Shuute), oo ku sugan furumaha hore ee dagaalka ayaa sheegay in xabsi kuyaalla Muqdisho ku xiran yihiin taliye hurin iyo askar kale oo cadawga u banneeyay furumihii ay joogeen.

Waxa uu sheegay guddoomiye Shuute in xabsiga ku jiraan askartii furimaha kasoo baxay, waxa uuna ku bogaadiyay askarta kale ee ku sugan furumaha dagaalka in ay sameeyaan adkeysi badan xlligan oo soon ah kana difaacaan cadawga dadka iyo deegaanka.

โ€œCiidamadii baxsaday ee Xamar aaday way xir xiran yihiin, kuwiina inta joogo waxaa laโ€™idinka rabaa dadaal, waxaa lagu jiraa Ramadaan ee dhiniciina yay dabeyl naga soo gelinโ€ ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida.

Guddoomiye Shuute ayaa caddeeyay sargaalkii iyo askarigii ka carara furimaha dagaalka loo xisaabinayo in uu dhintay oo kale, waxa uuna askarta kula dardaarmay in waajibkii ay u dhaarteen ka dhabeeyaan una huraan naftooda diinta, dalka iyo difaaca dadka Soomaaliyeed.

โ€œXittaa nin taliye horin ayaa ayaa iska tegay furintii uu joogay, ogaada xittaa haddii taliyihiina ugu wayn uu dhinto sow ma shaqeyn lahayn? qofkii tega inuu dhinto ayaa laga soo qaadaaโ€ ayuu yiri guddoomiye Xasan Nuur Shuute.

Xariga loo geestay askarta kasoo baxday furumaha dagaalka ,ayaa kusoo aadaya xilli kooxda Al Shabaab dib usoo laba kacleysay lana wareegeen deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe oo horey u joogeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

WARARKA