Isniin 3, March 2025 {HMC} Madaxweynaha jubbaland Mudane Axmed Maxamed islaam ayaa abaalmarino kala duwan ku wareejiyay ardayda kaalmaha hore ka gashay tartanka Qurโaanka Kariimka, Kadib munaasabad ka dhacday hoolka Daawad ee magaalada Kismaayo.
Munaasabada guddoonsiinta abaalmarinta arday ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynaha Jubbaland, labada golle ee Jubbaland, culimaaโudiin, Odayaasha Dhaqanka, Macalimiin, Waalidiin, arday, iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa waalidiinta iyo macalimiinta ardayda ku bogaadiyay fadaalkooda ku aadan doo saarida arday xufaad ah oo wax tar u leh bulshada.
Cabdirisaaq Maxamed Cabdi ayaa noqday arday kaalinta 1aad u galay ardayda ku tartameysay 30-ka Juz ee Qurโaanka asagoo Madaxweynaha uu abaalmarin ahaan u siiyay Gaari.
Halka Kaalinta 2-aad iyo 3-aad ee tartanayaasha 30-ka Juz ayagana Madaxweynaha ku abaalmariyay gawaari
Ugu dambeyn Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed islaam, ayaa si gaar ah gaari u gudoonsiiyay gabar kamid aheed tartamayaasha ka socday degmada Baardheere ee gobolka Gedo.