spot_imgspot_imgspot_img

Ingiriiska & Turkiga Oo Kawada Hadlayay Xaalada Dalka Suuriya

Isniin 3, March 2025 {HMC} Saraakiil ka kala tirsan Dowladaha Turkiga iyo Ingiriiska ayaa maanta kawada hadlaya Mustaqbalka Dalka Suuriya ee dhowaan isbaddelka ka dhacay sida ay ku warrameen diblumaasiyiin ku sugan Magaalada Ankara.

Turkiga uu xubin ka ah Isbaheysiga NATO ayaa loo arkaa in uu kamid yahay Dalalkii ka shaqeeyay isbaddelkii sida lama filaanka ah maalmaha kooban gudahood uga dhacay Waddanka ay deriska yihiin ee Suuriya.

Ingiriiska oo qudhiisa galaangal muuqda ku leh Suuriya marar badan muwaadiniinta oo ka dhinac dagaalamaya Daacish lagu arkay Dalkaas ayaa fursad ka dhex arkay si uu uga hortago dhibaato markale uga timaada Dalkaan Carbeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa dhankeeda Xaqiijisay in diiradda la saarayo arrimaha Amniga, cunaqabataynta iyo horumarinta dhaqaalaha, qodobadaasi ayaa muhiim u ah maamulka haatan hoggaanka u haya Suuriya.

Dowlado badan oo shaki ka qabay hoggaanka cusub ee Suuriya ayaa bishii Deseembar dhammaadkeeda ergo u diray Suuriya kuwaas oo la kulmay Madaxweynaha Dalkaas ahna mas’uuliyiinkii ugu sarreeyay ee kacdoonkii lagu riday Bashar Al-Asad.

WARARKA