Isniin 3, March 2025 {HMC} Warqado sir ah oo laga helay degaannadii laga xoreeyay kooxda Daacish ee buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari, ayaa daaha ka rogay in dhaawacyada xubno ka tirsan Daacish lagusoo daweeyn jiray isbitaallo ku yaalla magaalada Hargeysa ee Somaliland.
Sidoo kale, warqadahan ayaa muujinaya in shirkado ganacsi ay alaabo u soo rareen kooxda Daacish, halka qaar kalena ay lacago ka heleen.
Laamaha ammaanka ayaa bilaabay baaritaanno, iyagoo si ku-meel-gaar ah u mamnuucay in la shaaciyo magacyada isbitaallada iyo xarumaha ganacsiga ee la tuhunsan yahay.
Puntland ayaa horey ugu eedeysay Somaliland inay taageerto kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee ku sugan degaannadeeda.
Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Puntland ay degaannadii laga xoreeyay Daacish ka heleen lacago shilinka Somaliland ah, taasoo sii xoojisay tuhunka la xiriira xiriirka kooxdaas ay la leeyihiin Somaliland.
Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan sheegay inay bartilmaameedsan doonaan cid kaste oo xiriir laleh Daacish, isagoo sheegay in wajiga saddexaad ee howlgalka Hillaac lagu beegsan doono shakhsiyaadka iyo shirkadaha la macaamilka la sameeya Daacish.