spot_imgspot_imgspot_img

Ra’iisul-wasare Xamsa oo caawa sameeyey magacaabis Cusub.

Isniin 3, March 2025 {HMC} Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa caawa magacaabay Agaasimeyaal Guud iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Xubnaha ka magacaabay oo toddoba gaaraya ayaa kala ah:

CABDIFATAAX CABDIQAADIR FAARAX oo loo magacaabay Xog-hayaha Joogtada ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

MAXAMED CUMAR NUUR ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS.

IBRAAHIM AXMED CISMAAN ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS.

MAXAMED SANEY DALMAR ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaannada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya.

FAARAX CABDINUUR AXMED ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.

SAHRA CABDI MAXAMED ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara.

CABDULLAAH SAHID CABDI ayaa loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka ee Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara.

Dikreetadaan ayaa noqoneysa mid kamid ah agaasimayaashii ugu badbaa ee hal mar uu magacaabay Raโ€™iisul Wasaare Xamsa, inta badan agaasimayaasha wasaaradaha joogay ayaa ahaa kuwii horay u haayey xilalka oo raโ€™iisul wasaarayaashii isaga ka horeeyey ay magacaabeen.

WARARKA