spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay dagaal culus oo maanta ka dhacay Boos-Hareeri.

Jimco 7,March 2025 {HMC} Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Degaanka ayaa maanta dagaal culus kooxda AS kula galay deegaanka Boos-hareeri ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waa deegaan hoos taga degmada Aadan-yabaal.

Dowladda Soomaaliya oo caawa war ka soo saartay dagaalkii maanta ka dhacay Boos-hareeri ayaa sheegtay in halkaas ay jab xooggan ku gaarsiiyeen Khawaarijta, weerarka waxaa soo qaaday kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya geesiyaasha ciidamada degaanka ayaa guul weyn ka gaaray dagaal ka dhacay degaanka Boos Hareeri ee gobolka Shabeellaha Dhexe.”

Warkaan waxaa lagu sheegay in ciidanku ay sii hayeen xogta kooxda soo weerareysa, isla markaana laga dilay ugu yaraan 20 maleeshiyaad ah iyo horjoogayaal sare oo dagaalka hoggaaminaayey.

“Ciidamada XDS oo si feejigan uga hortagay weerar ay maleeshiyaadka Khawaarijta isku dayeen inay kusoo qaadaan degaanka, ayaa dhirbaaxo adag ku dhuftay cadowga, waxaana halkaas lagu ciribtiray ku dhawaad 20 dhagarqabe, oo ay ku jiraan horjoogayaal sare oo ka tirsanaa argagixisada,” ayaa lagu yiri Warka Dowladda.

Caasimada Online waxay ogaatay in halkaas khasaare culus uu ka dhacay oo soo gaaray labada dhinac, kooxda Al-Shabaab waxaa u suurta gashay inay gudaha u galaan deegaanka Boos-Hareeri.

Sidoo kale, waxaa dagaalka ku dhintay saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta HirShabeelle, ciidamada dadka deegaanka ayaa sidoo kale kaalintooda ka qaatay dagaalkii maanta.

Dowladda Soomaaliya waxay caawa sheegtay in ciidamada xoogga dalka ay dagaalkii maanta khawaarijta uga furteen oo gacanta u dhigeen gaadiid, iyo saanad ciidan oo Shabaab lahaa.

“Howlgalkan guusha leh ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoreyneyso dhulka ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan, iyada oo Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya shacabka Soomaaliyeed ay si buuxda uga go’an tahay ciribtirka cadawga nabadda iyo horumarka diidan,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta oo SNTV lagu baahiyey.

Xildhibaanada Beelaha Abgaal ayaa ku biiray dagaalka ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana socda abaabul xoog leh, in kastoo kooxda Al-Shabaab ay qabsatay dhul balaaran, welina ay wado weerarro toos ah, maalmaha soo socda waxaa lagu rajo weyn yahay in kooxda la jebiyo oo laga xoreeyo gobolkaas.

WARARKA