spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheikh oo si adag uga Hadlay digniintii Mareykanka.

Jimco 7,March 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa si adag uga hadlay digniinta amni ee kasoo baxday Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta amni ahaan mareyso meel fiican, isla markaana aysan jirin cabsi ama khatar kusoo fool leh, isagoo gaashaanka u daruuray digniinaha wakiilada reer Galbeedka ee uu fadhigoodu yahay Xalane.

“Dalka xilli uu ka fiican yahay maleh, dariiqyada ayaa lagu afuraya. Ajnabi horumarkeenna neceb ayaa faafinaya farriimo u adeegaya Al-Shabaab. Ma jirto khatar, ma jirto meel ay Al-Shabaab naga qabsatay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu madaxweynuhu ugu baaqay inay sameeyaan isku tashi, si loo gaari lahaa isku filnaasho, iyo in dalkeenna Soomaaliya uu ka maarmo shisheeye.

“Soomaaliyeey aan iskutasho. Ajnabi horumarkeenna neceb ayaa faafinaya farriimo u adeegaya Al-Shabaab,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday hakinta duulimaadyada ay sameeyeen qaar kamid ah shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah, isagoo meesha ka saaray in ay jirto cabsi amni oo keentay in duulimaadyadaas la joojiyo.

“Dalkaan iyadoo qaraxyada iyo dilalka ka dhacayaan ayaa joognay, caalamkana diyaaradaha waa nooga imaanayeen, oo waa socdeen. Maanta waa maxay khatarta dhacday oo diyaaradaha cirka maraya soo daadanayaan,” ayuu yiri madaxweynaha.

Maxay yihiin digniinaha uu beeniyay madaxweynaha?

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, waxaa soo baxayay digniino ku aaddan weerarro argagixiso oo lala maagan yahay Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cadde International Airport ee magaalada Muqdisho.

Talaadadii la soo dhaafay, Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa uga digtay muwaadiniinta Mareykanka ah ee ku sugan Soomaaliya ‘weerarro laga cabsi wabo’ oo ka dhici kara goobo badan oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Saacado kadib digniinta Mareykanka, shirkadaha diyaaradaha ee Qatar Airways iyo Turkish Airlines ayaa si ku-meel-gaar ah u hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi lahaayeen Muqdisho.

Inkasta oo aysan caddayn xiriirka ka dhexeeya duulimaadyada la hakiyay iyo digniinta Mareykanka, haddana waxaa loo aaneyna farriimaha amni ee ay faafinayaan wakiilada Xalane ku sugan.

Waa sidee xaaladda amni ee garoonka Muqdisho?

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fardowsa Cismaan Cigaal oo wareysi siisay Idaacadda VOA ayaa sheegtay in wax khatar ah aysan dalka ka jirin, isla markaana ay helaan xogta ammaanka dalka iyadoo dhameystiran.

“Ma jirto khatar kaliftay in duulimaadyadaas ay ka baaqdaan Muqdisho, sidoo kale ma jiraan wax nalala wadaagay oo khatar ah,” ayey tiri Wasiir Fardowso Cismaan Cigaal.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines ay su’aalo ka weydiiyey sababta ay u baajiyeen safarkoodii Muqdisho, isla markaana ay sheegeen in digniintaas ay la kulmeen.

“Waan u cadeynay in digniintaas aysan naga soo bixin, mid ay dowladda Soomaaliya ku shaqeysatana uusan aheyn,” ayey tiri Wasiir Fardowso.

Waxay intaas kusii dartay “Marka waa nala qaateen dhowr beri ayey duulimaadyadooda kansalee, laakiin ugu dambeyntii waa ay naga aqbaleen.”

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horreysay ee wakiillada caalamiga ah ee Xalane ku sugan ay soo saaraan digniino amni oo la xiriira caasimadda Muqdisho, iyagoo mararka qaar sheega goobo ay bartilmaameedsan karaan kooxda Al-Shabaab – kuwaas oo badanaa aan xaqiiqo noqon.

WARARKA