Jimco 7,March 2025 {HMC} Magaalada Jigjiga ee Gobolka Somali ee Itoobiya, waxaa 7-da Maarso 2025 ka dhacay shir jaraaโid oo ay qabteen xubno ka tirsan ururka Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF).
Warbixintaan waxay ku saabsan tahay war-murtiyeedkii dhawaan ay soo saareen ururka ONLF, kaasoo ay ku sheegayaan in dowladda Itoobiya ay ka baxday heshiiskii ay la galeen ONLF sanadkii 2018-kii.
Ururka ONLF ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay si toos ah uga baxday heshiiskaas, taasoo keentay in ay burburto wixii hore loogu heshiiyay.
Si kastaba ha ahaatee, garab ka tirsan ONLF oo shir jaraaโid ku qabtay magaalada Jigjiga ayaa ka beeniyay sheegashadaas, iyagoo soo saaray goโaan ay ku diidan yihiin war-murtiyeedka ONLF ee ku saabsan burburka heshiiska.
Muxumed Sheekh Badri, oo ah hoggaanka arrimaha ururka Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya, ayaa wareysi ku bixiyay dhacdadaas uga hadlay Muxumed Sheekh Badri ayaa si faahfaahsan uga hadlay sababaha ay garabkaasi uga soo horjeedaan sheegashada ONLF, isagoo sheegay in arrintaas ay tahay mid si siyaasadeed loo qabtay.
Sidoo kale, afhayeenka ururka ONLF, Caddaani Hirmooge, ayaa ka jawaabay diidmada garabka ku shiray Jigjiga.
Caddaani ayaa tilmaamay in burburka heshiiska uu yimid kadib markii ay dowladdu si ka hor imanaysa u jebisay qodobada muhiimka ah ee heshiiska.
Isagoo sidoo kale ka hadlay xubnaha ka soo horjeeda ONLF ee ka soo qayb galay shirka Jigjiga, Caddaani ayaa sheegay inay xubnahaas si siyaasadeed ugu biireen maamulka deegaanka, laakiin aan si dhab ah ugu jirin ONLF.
Dhammaan dhinacyada ayaa si Cad u muujiyay in siyaasadda iyo xalinta khilaafka dhex mara ONLF iyo dowladda Itoobiya ay weli yihiin arrimo adag, kuwaasoo u baahan xal dheer oo siyaasadeed.