spot_imgspot_imgspot_img

Doorashada Kursiga Hope049 Oo Maanta Ka Dhacday Magaalada Dhuusamareeb

Sabti 8,March 2025 {HMC}ย Magaalada Dhuusamareeb Xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa maanta lagu qabtay Doorashada Kursiga Tirsigiisu yahay HOP049 oo horay ugu fadhiyay Agaasimaha Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustafa Sheekh Cali Dhuxuloow.

Guddiga madaxbannaan ee Doorashooyinka ayaa dhowaan shaaciyay in uu buuxinayo kuraas uu kamid yahay HOP049 oo ugu dambeyn maanta ku guuleystay Maxamed Cabdi Cali oo kamid ah Dhallinyarada beesha kursigaas leh.

Xildhibaanka la doortay waa Maxamed Cabdi Cali ayaa madasha ka sheegay in uu kursigaan muddo xileedka u dhiman in uu u adeegi doonno ergadii dooratay iyo Dadkii ay ku metalayeen Doorashadii dadbanayd uu kursigu ku helay.

Mustafa Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa xubinnimada Baarlamaanka ku waayay kaddib markii uu aqbalay Xilka Agaasimaha Hayโ€™adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya, Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka ayaa geliyay diiwaanka kuraasta bannaan.

Waxaa weli bannaan kuraas kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, qaarkood ayuu Guddiga Doorashooyinku shaaciyay waqtiga la dooranayo, qayb wuu buuxiyay halka kuraas kale ay dhiman yihin.

WARARKA