spot_imgspot_imgspot_img

Kursiga HOP248 oo Maanta loo dhaariyay Maxamed Cabdi Xasan Afweyne

Sabti 8,March 2025 {HMC}  Xarunta Villa Baydhabo ee sida kumeel-gaarka ah ugu shaqeeyo Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa maanta lagu dhaariyay Maxamed Cabdi Xasan Afweyne oo 4tii bishaan ku guuleystay HOP248.

Habdhowraha Baarlamaanka ayaa dhaariyay, kaddib waxa uu si toos ah u fadhiistay kulankii Golaha Shacabka uu maanta lahaa maadaama uu si rasmi ah uga mid noqday Mudaneyaasha Golahaas ee wixii haatan ka dambeeya fadhiyada xaadiri doonna.

Kursiga HOP248 waxa uu bannaanaa muddo kooban waa muddada uu kursigaas ka maqan yahay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo loo magacaabay ku xigeenka Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka NISA.

Afweyne ayaa dhowaan dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii laga soo daaya Xabsi ku yaalla Magaalada Brussels ee Dalka Biljamka, waxaa isku soo beegmay dib usoo noqoshadiisa iyo kursigaan oo bannaan.

WARARKA