Sabti 8,March 2025 {HMC} War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland , ayaa lagu sheegay in ciidamo katirsan Ssc-Khaatumo shalay weerar kusoo qaadeen dad shacab ah oo baraagahooda ka dhaansanaya deegaanka Buqdharkayn, iyaga oo ku eedeyay ciidanka Khaatumo in ay doonayeen in ay dhacaan xoolahooda.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa sheegtay in dadka deegaanka si adag iskaga difaaceen duullaanka ay tilmaameen in Khaatumo kusoo qaaday, waxa ayna intaa raaciyeen in jab xooggan la gaarsiiyay ciidanka maamulka Khaatumo.
Warka kasoo baxay Somaliland , ayaa loogu sheegay dowladaha ku yaalla Geeska Afrika iyo beesha caalamka in ciidamada Khaatumo halis ku yihiin amniga gobolka , waxa ay sidoo kale sheegeen in aysan u dulqaadan doonin duullaanka kaga yimid dhinaca Somaliland.
“Xukuumadda Somaliland waxay u sheegaysaa dawladaha gobolka iyo Beesha Caalamka in kooxaha hubaysan ee la baxay Khaatumo ay halis ku yihiin amniga mandaqadda, isla markaana aanay dawladda Somaliland u dul-qaadan doonin duullaanada gaadmada ee Ay soo qaadayaan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Somaliland.
Warkan kasoo baxay maamulka Somaliland , ayaa imaanaya xilli shalay dagaal dhiig badan ku daatay oo u dhaxeeyay ciidamada Khaatumo iyo Somaliland uu ka dhacay deegaanka Buqdharkeyn , ayna hadda halkaasi ka jirto xiisad dagaal.