spot_imgspot_imgspot_img

Waa Maxay Dambiyo kala Duwan ee uu Wajahaya Madaxweynihii Hore ee Filibiin?

Talaado 11, March 2025 {HMC} Madaxweynihii hore ee Dalka Filibiin Rodrigo Duterte ayaa la xiray kaddib codsi ka yimid Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC oo ku eedeysay in uu geystay dambiyo kala duwan oo dalkaas ka dhacay sida hadalka loo dhigay.

Rodrigo Duterte ayaa warqadda xiritaankiisa loo gacangeliyay Booliiska Caalamiga ah ee Interpol isaga oo lagu xiray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Manila sida ay ku xog-warrantay Wakaaladda Wararka Reuters oo ilo kala duwan soo xigatay.

Hoggaamiyaan oo dagaalka daroogada kusoo galay ololihii doorashadii dhacday sanadkii 2016kii ayaa marar badan ku dhawaaqay in uu fulinayo sharciga Dalkaas ee lagu soo afjarayo walxahaas dhibaatada ku ah dalkiisa inkasta oo dad badan lagu hoos dilay maamulkiisa.

Duterte ayaa horay isaga fogeeyay in uu ku lug leeyahay kiisaska dhacay ee sababtay in Maxkamadda ICC ay waaran soo xiris ah u jarto, waxaana 79 sano jirkaan uu sugayaa go’aanka maxkamadeed ee lagu qaado.

Kooxaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in Booliiska oo fulinaya amarka ku saabsan la dagaalanka Daroogada in ay dileen dad gaaraya 6,200 oo looga shakiyay walxahaas inkastoo Booliisku iska fogeeyay eedahaas.

WARARKA