spot_imgspot_imgspot_img

Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalo Manta ka dhacay Aboorey.

Talaado, 08 Abriil 2025 {HMC}  Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeeyso Dagaal Culus oo manta ka dhacay deegaanka Abooreey oo hoostaga degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan. Ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanayo kuwa deegaanka ayaa Weerar dhowr Jifo ah kaga qaaday deegaankaas oo Ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada ayaa Hiiraanweyn u Xaqiijiyay in inta badan Magaalada Laga Saaray AS, isla-markaana ay iskugu tageeyn hal goo boo kali ah. Waxaana ay intaasi ku dareeyn in Saacadaha soo socda ay ka Saari doonaan.

Sidoo kale Gudoomiyaha deegaanka Aboorey Nuur Cilmi Cariif oo Wareeysi Siiyay Hiiraanweyn ayaa sheegay in Al-shabaab ay kaga dileeyn dagaalkii Manta dhacay Askar iyo horjoogayaal farabadan, ayna wadaan tiro koob Khasaarahii Gaaray AS.

Gudoomiyaha Abooreey Waxaa uu sheegay in dhankooda ay dagaalka kaga dhinteeyn ilaa 4 qof dhawacane uu gaarayo 6 Ruux oo iskugu jiro Ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawisleeyda. Dadka Dagaalka Manta ku dhintay waxaa Kamid ahaa Taliyihi Uurka 6AAD Guutada 16AAD Ee kumaan Dooska Danab Taliye Asad Osmaan Afrax.

Dagaalkii Saakay biloowday ayaa soo gaaray Fiidnimada Caawa, Waxaana Gudaha Aboorey kuwa Sugan Ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab.

WARARKA