khamiis 10, April-2025 {HMC} Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano Taliye Shub ayaa shaaca ka qaaday talaabooyin adag oo laga qaaday qaar ka mid ah ciidamadii Asluubta ee isaga soo baxay furimaha hore ee dagaalka.
Taliyaha ayaa tilmaamay in ciidamadii kasoo cararay furimaha hore ee dagaalka qaar kood ay Muqdisho kusoo laabteen, iyagoo dib u iibinaya qaryahii loogu talo galay iney ku dagaalamaan, halka kuwa kalana ay uga soo tageen qoryahooda Furimaha hore.
Jenaraalka ayaa sidoo kale xusay in ciidanka soo iibsaday qoryihii dagaalka loogu tala galay, haatan xasbiga la dhigay, islamarkaana kuwa kale furimaha uga soo cararay qoryahoodii dib loogu celiyey furimaha dagaalka.
“Dadkii fulayga ahaa ee kasoo cararay furimaha dagaalka anaga Muqdisho kuma sii deyn waan soo qabay, Ninkii qori la soo baxsaday, qorigii baanu ka gudnay, kii iibsadayna Xabsiga ayuu ku jiraa, kii qorigii aan gadan ee goobta ka soo tegay waxa aan dib ugu celinay furimihii uu ka yimid, malaha haatan Cadale ayay kusii dhaw yihiin ” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Asluubta Jenaraal Mahad.
Jeneraal Mahad ayaa saraakiisha iyo ciidanka Asluubta ee ku sugan furimaha dagaalka ku boggaadiyay sida ay uga go’an tahay dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.
Dhawaan ayay aheyd markii askar ka tirsan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo laga qaaday magaalada Muqdisho la geeyay furimaha hore ee dagaalada ka socda deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.