spot_imgspot_imgspot_img

Dowlada Masar oo Soomaaliya ka Taageeraysa ka hortagida Weerarada lagu laayo Askarta

Jimco 11, April-2025 {HMC} –  Dowladda Masar ayaa haatan dowladda Soomaaliya ka taageeraysa sidii looga hortagi lahaa weerarada gaadmada ah ee kooxda Al-Shabaab ku layso askar badan oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro kooxda.

Masar ayaa taageeradan muhiimka ah ku xaqiijisay kulanka ka dhacay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, kaasi oo u dhaxeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa dalkaas, Badr Abdelatty.

Kulanka labada wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyadoo si gaar ah looga wada -hadlay dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo dhaqaalaha.

Labada mas’uul waxay muujiyeen muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah oo wax ku ool ah.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahad-celiyay dowladda Masar taageerada ay mar walba siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, waxbarashada, iyo arrimaha bini’aadantinimada. Wuxuu sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid qoto dheer oo ku dhisan iskaashi iyo is-aamin.

Intii uu kulanku socday, labada wasiir waxay isla garteen in la sii xoojiyo wadashaqeynta labada dal, gaar ahaan arrimaha amniga, si looga hortago khataraha ka imanaya kooxaha xagjirka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty ayaa si gaar ah u sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu kordhiyo taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Abdelatty wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay iskaashi heer gobol iyo caalami ah, isagoo ku baaqay in la mideeyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale, Wasiirka Masar wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu ay mar walba ixtiraamayso midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taasoo uu sheegay in ay tahay arrin lama taabtaan ah.

Wuxuu intaas ku daray in Masar ay taageerayso hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo dadaallada lagu sugayo ammaanka gudaha iyo dib u dhiska dalka, isagoo ballan qaaday in xiriirka labada dowladood uu sii socon doono.

Ugu dambeyn, kulanka labada wasiir ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad ballaaran oo la xiriira sii wadida wada-hadallada iyo dhisidda qorshayaal iskaashi oo waxtar u leh labada dal iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

 

WARARKA