Arbaco 16, April 2025 {HMC} Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Deegaanka oo ku dhawaad 10 Maalmood kula dagaalamyey Kooxda AS ayaa maanta Dib uga Baxay Deegaanka Abooreey oo hoostago Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.
Saraakiil ka tirsan kuwa Deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Abooreey ay uga Baxeen Xeelad Dagaal sido kalane Ay Dib ugu laaban Doonaan Deegaanka Abooreey.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Abooreey ku sugnaa Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen, Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
inta uu socday Dagaalkii Deegaanka Abooreey waxaa ku Geeriyooday saraakiil ka tirsan kuwa Dowladda iyo Ciidamada Deegaanka, Dadka Geeriyooday waxaa kamid ahaa Taliyihii ururka 163-aad guutada 16-aad ee Kumaadooska Danab Asad Cismaan Afrax.
Maalmihii ugu Dambeeyey Gobolka Hiiraan waxaa ka soconyey dhaqdhaqaaqyo kala Duwan oo ay Wadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Deegaanka kaasi oo ka soconayey qeeybo kamid ah Gobolka Hiiraan.