spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Soomaliya oo Mareykanka u bandhigtay Shidaal sahminta SSC-Khaatumo.

Arbaco 16, April 2025 {HMC} Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, Danjire Daahir Xasan Carab, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya ay hadda furan tahay, islamarkaana diyaar u tahay sahaminta iyo qodista shidaalka, gaar ahaan deegaanada SSC-Khaatumo.

Danjiraha ayaa fursaddan muhiimka ah u bandhigay shirkadaha tamarta ee Mareykanka, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay dib ugu soo laabtaan dalka si ay u sahamiyaan ceelasha shidaalka ee ka buuxa dhulka Soomaaliyeed.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa X (hore Twitter), ayuu Danjiruhu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo ka saaray caqabadihii sharciyeed iyo amni ee horay u hor istaagay howlaha shidaal-baarista.

“Waan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Soomaaliya si rasmi ah ugu furan tahay qodista shidaalka. Waxaan si xushmad leh ugu martiqaadayaa shirkadaha tamarta ee Mareykanka inay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya si ay uga faa’iideystaan fursadahan muhiimka ah,” ayuu yiri Danjire Daahir.

Danjiruhu wuxuu sidoo kale xusay in xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka ay si weyn u hagaagtay, gaar ahaan kadib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah u aqoonsatay maamulka cusub ee SSC-Khaatumo inuu yahay xubin rasmi ah oo ka tirsan dowlad-goboleedyada dalka. Aqoonsigaas, ayuu sheegay, wuxuu sahli doonaa in dib loo bilaabo mashaariic horay hakad ugu jiray sababo la xiriiray muran siyaasadeed iyo khilaafaad sharci.

“Ka qaadista xaaladdii ‘force majeure’ waxay sahleysaa in si buuxda dib loogu bilaabo sahamin iyo qodis shidaal oo ka dhacda dooxada hodanka ku ah kheyraadka ee Nugaal Valley Basin,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Soomaaliya iyo fursadaha tamarta

Soomaaliya waxay leedahay dhul istaraatiiji ah oo xeebihiisu ka mid yihiin kuwa ugu dheer Afrika, kana hodan ah shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.

Aagagga sida Nugaal, Dharoor, iyo Juba-Lamu basins ayaa lagu tilmaamaa inay yihiin qaar ka mid ah meelaha ugu khayraadka badan ee aan weli si buuxda loo sahamin. Inkastoo ay jiraan duruufo amni iyo kuwo siyaasadeed oo hakiyay horumarka sahanka, haddana waxaa jirta rajo xooggan oo laga qabo in Soomaaliya ay noqon karto mid ka mid ah suuqyada tamarta ee soo koraya ee Geeska Afrika.

Shirkado caalami ah sida, Turkish Petroleum, Coastline Exploration, Soma Oil & Gas, iyo Spectrum Geo ayaa horey ula saxiixday dowladda heshiisyo ku saabsan sahamin shidaal, inkastoo hawlahaasi hakad galeen. Dib u furitaanka rasmiga ah ee sahanka iyo dadaallada dowladda ee lagu sugayo xasilloonida sharci iyo amni ayaa la filayaa inay dib usoo celiyaan xiisaha maalgashadayaasha.

Safiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashi fog iyo xiriir istaraatiji ah oo ay la yeelato shirkadaha Mareykanka, isagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in shirkadahaas ay hormuud u noqdaan kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka, inkastoo aysan si toos ah u maalgashan howlaha shidaal-baarista Soomaaliya, haddana waxay si dhow ula socotaa isbeddellada amni, dhaqaale, iyo siyaasadeed ee dalka. Washington ayaa sidoo kale ballanqaadday inay sii xoojin doonto taageerada ay siiso dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoojinta dowladnimada.

Dhawaaqan kasoo baxay safiirka Soomaaliya ee Mareykanka wuxuu muujinayaa tallaabo istiraatiji ah oo lagu doonayo in dalka looga furo waddooyin horumarineed oo salka ku haya ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah.

Waxaa la filayaa in hadalkan uu horseedi doono xiiseyn cusub oo ka timaadda shirkadaha tamarta ee caalamiga ah, taas oo haddii si wanaagsan loo wajahdo, wax ka tari karta kobaca dhaqaalaha, abuurista shaqooyin, iyo xoojinta madaxbannaanida dhaqaale ee Soomaaliya.

WARARKA