Maamulka Soomaaliland oo Laalay Hishiiskii Wadda-Halada Soomaaliya ee Soomaaliland.

0
27

Arbaco 16, April 2025 {HMC} Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee qabsoomay maanta 16ka Abriil, 2025 waxa uu si adag u cambaareynayaa tallaabadii daandaansiga ahayd ee uu Raysal-wasaaraha Dowladda Soomaaliya ku tagay magaalada Laascaanood 12kii Abriil 2025, taasi oo ahayd xad-gudub ka dhan ah qawaaniinta caalamiga ah iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo ka duulaysa qorshaheeda nabadeynta Deegaanka Bariga Sool, waxa ay hore u iclaamisay baaq nabadeed maalintii uu xilka la wareegayay Madaxweynaha JSL ee 12kii December 2024, waxa aanay mar kale adkaynaysaa in ay nabaddu tahay mudnaanteeda koowaad, iyada oo difaaca qarannimada Somaliland-na ay tahay xuduud lama taabtaan ah.

๐๐จ๐๐๐จ๐›๐ค๐š ๐Ÿ๐š๐š๐ โ€“ ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ข ๐›๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐๐š ๐ฎ๐ ๐š ๐ฅ๐ž๐ž๐ฑ๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐ฃ๐ข๐๐ค๐ข๐ข ๐ง๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฐ๐š๐๐š-๐ก๐š๐๐š๐ฅ๐ค๐š:

Dawladda Soomaaliya waxa ay si cad uga baxday dariiqii nabad-ku-wada-noolaanshaha iyo wada-hadalka, iyada oo imaatinkii Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood uu yahay xad-gudub badheedh ah oo ka dhan ah madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Tallaabadaasi waxa ay ahayd daandaansi siyaasadeed iyo hurin colaadeed, taas oo si toos ah khatar u gelinaysa xasilloonida gobolka Geeska Afrika, iyada oo lagu tuntay xeerarka caalamiga ah iyo xorriyadda muwaadiniinta Somaliland oo si sharci-darro ah loo afduubay.

๐๐จ๐๐๐จ๐›๐ค๐š ๐Ÿ๐š๐š๐ โ€“ ๐ˆ๐ง ๐š๐š๐ง๐š๐ฒ ๐ฃ๐ข๐ซ๐ข๐ง ๐ฐ๐š๐ฑ ๐ฐ๐š๐๐š-๐ก๐š๐๐š๐ฅ ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐š๐š๐›๐ฌ๐š๐ง ๐ฌ๐ข๐ข-๐๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐š๐›๐ข๐ข๐ฌ๐ญ๐š:

Xukuumadda Somaliland waxa ay si cad u sheegaysaa in aanay jirin wax wada-hadal ah oo Dowladda Soomaaliya kala yeelatay arrimaha la xidhiidha siideynta maxaabiista.

Maxaabiista Raysal-wasaaraha Soomaaliya geeyay magaalada Muqdisho ma aha maxaabiis dagaal (๐ฉ๐ซ๐ข๐ฌ๐จ๐ง๐ž๐ซ๐ฌ ๐จ๐Ÿ ๐ฐ๐š๐ซ)

Xukuumadda Somaliland waxa ay u aragtaa tallaabadaasi inay ahayd mid lagu qarinayo fashilka siyaasiga ah ee haysta Dowladda Soomaaliya.

๐๐จ๐๐๐จ๐›๐ค๐š ๐Ÿ‘๐š๐š๐ โ€“ ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ-๐๐ก๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฌ๐ ๐š ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐š๐›๐ข๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐ค๐š ๐ˆ๐‚๐‘๐‚:

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay wada hadallo la yeelatay Hayโ€™adda Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo danjireyaasha dalalka saaxiibka la ah si loo xalliyo arrinta maxaabiista, iyada oo ku saleysan xeerarka iyo hab-raacyada caalamiga ah ee maxaabiista.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay diyaar u tahay in maxaabiista la isu waydaarsado hannaan kasta oo waafaqsan nidaamka isweydaarsiga maxaabiista, bud-dhigna ay u tahay hayโ€™adda ICRC, iyada oo ay Xukuumadda Somaliland hore ugala hadashay arrimaha maxaabiista wadamada ay saaxiibka yihiin sida Maraykanka, Ingiriiska, Denmark, Turkiga iyo Emirate-ka Carabta.

๐๐จ๐๐๐จ๐›๐ค๐š ๐Ÿ’๐š๐š๐ โ€“ ๐๐š๐š๐ช๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ž๐ž ๐ค๐ฎ ๐ฐ๐š๐ฃ๐š๐ก๐š๐ง ๐๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ค๐š:

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cod dheer ugu baaqaysaa beesha caalamka in ay si degdeg ah uga falceliso xadgudubyada ay Dowladda Soomaaliya ka geysanayso Deegaanka Bariga Sool ee Somaliland, isla markaana ay taageerto dadaallada Jamhuuriyadda Somaliland ugu jirto soo celinta nabada deegaanka bariga Sool.

Duullaanka qorshaysan ee Soomaaliya ku soo qaaday Somaliland waxa uu khatar gelinayaa xasilloonida Geeska Afrika, wuxuuna fursad siinayaa kooxaha xagjirka ah iyo argagixisada, taas oo halis weyn ku ah nabadda iyo horumarka gobolka oo dhan.

๐๐จ๐๐๐จ๐›๐ค๐š ๐Ÿ“๐š๐š๐: ๐–๐š๐๐š-๐ก๐š๐๐š๐ฅ๐š๐๐๐ข๐ข ๐ฎ ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š:

Maadaama ay Dawladda Soomaaliya si joogto ah ugu kacday xad-gudubyo ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo mabaadiโ€™dii wada-hadalladii hore u dhexmaray labada dal, Golaha Wasiirradu ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay goโ€™aamiyeen in laga baxo wada-hadaladii lagu jiray Soomaaliya, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay Abriil 16th, 2025.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka goโ€™an difaaca Qaranimadeeda iyo adkaynta madax-bannaanideeda, si aan gorgortan lahayn.

๐ƒ๐ก๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐š๐

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here