Xabsiga dhexe oo lagu soo kordhiyey dhismo xirfad cusub lagu barayo maxaabiista

0
25

Arbaco 16, April 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray dhismo dayactir iyo qalabeyn lagu sameeyay kaas oo loogu talagalay in lagu tababaro maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe si kor loogu qaado xirfadahooda.

Arrintaan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda ee dib-u-habaynta nidaamka xabsiyada in maxaabiistaas lagu siiyo xirfado ay noloshooda dib ugu dhisan karaan marka ay xabsiga ka baxaan.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa wasiirka ku weheliyay Safiirka Turkiga Soomaaliya u jooga Alper AKTAŞ, isku-duwaha Hay’adda TİKA Zafer EŞKİ iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Gen. Cilmi Waasuge Colow, waxaana goobta lagu wareejiyay agab tababar oo dhammeystiran.

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS oo kaashanaysa saaxiibadeeda caalamiga ah ayaa deddaal weyn ugu jirta dib-u-casriyeynta xarumaha xabsiyada iyo horumarinta nolosha maxaabiista ku xiran xabsiyada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here