Khamiis 17, April, 2025 {HMC} Maxkamad ku taalla Lima, caasimadda Peru, ayaa xukun xabsi ah oo dhan 15 sano ku riday madaxweynihii hore ee Peru, Ollanta Humala, iyo xaaskiisa, Nadine Heredia, kadib markii lagu helay dambi ah lacag dhaqis.
Humala, oo madaxweyne ahaa intii u dhaxaysay 2011 ilaa 2016, ayaa lagu helay inuu si sharci-darro ah lacago uga helay madaxweynihii hore ee Venezuela, Hugo Chávez, iyo shirkadda dhismaha ee Odebrecht oo laga leeyahay Brazil, si uu ugu maalgeliyo ololihiisa doorasho ee 2006 iyo 2011.
Xaaskiisa Heredia, oo sidoo kale lagu helay dambiyo la mid ah, ayaa xilliga xukunka aysan joogin maxkamadda, maadaama ay horey magangalyo siyaasadeed uga codsatay safaaradda Brazil ee Peru. Dowladda Brazil ayaa oggolaatay codsigeeda, waxaana loo oggolaaday inay si nabad ah u safarto.
Qareenka Humala ayaa sheegay in uu racfaan ka qaadan doono xukunka. Humala oo 62 jir ah ayaa lagu xiray xabsiga Barbadillo, halkaas oo ay ku xiran yihiin madaxweynayaal hore oo ay kamid yihiin Alejandro Toledo iyo Pedro Castillo.
Shirkadda Odebrecht ayaa horey laaluush u siisay madax badan oo Latin America ah, taas oo sababtay fadeexad siyaasadeed oo baahday. Madaxweynihii hore Alan García ayaa isdilay sanadkii 2019, xilli ay socotay baadhitaan la xiriiray eedeymo laaluush.