Khamiis 17, April, 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amed Macallin Fiqi ayaa ku baaqay in Maxkamad la hor geeyo Guddoomiyihii hore ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe, isaga oo codsaday in lagu daro liiska waxa loogu yeero argagixisada.
Fiqi oo ka falceliyey faalo uu Waraabe soo dhigay bartiisa X ee horay loogu aqoon jiray Twitter, kaas oo taageero ugu muujiyey Al-Shabaab, xilli uu sheegay in ay qabsan doonaan Soomaaliya, ayaa sababtay in ka carroodaan shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo siyaabo kala duwan uga hadlay fariimo ay soo dhigeen barahooda bulshada.
Eng. Waraabe ayaa qoraalka uu baahiyey u dhignaa sida tan, “Waxaynu eegnaaba waa Al Shabab oo la wareegta Somaliya, dhawaan. Siidi aan hore u sheegay bisha May amba u gu dambeeyn Bisha June 2025.”
Qoraalkaan oo ahaa kii uu Waraabe baahiyey ayaa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi waxa uu kaga falceiyey, “Waa garaad xumi hadalka uu ku hadaaqay, horay ayuu caruurtiisii ugu biiriyey ISIS (Daacishta), haddana asagii ayaa Kooxda argagixisada Alshabaab si toos ah ugu biiray sida kuwa ka soo horeeyey ay ugu biireen.”
Wasiir Fiqi ayaa qoraalkiisa qeybta dambe ku soo jeediyey Guddoomiyihii hore ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe in la soo hor istaajiyo Maxkamad, isaga oo yiri, “Waraabe waa in la geliyaa liiska argagixisada Lana soo taagaa Maxkamad.”
Faysal Cali Waraabe oo ahaa Guddoomiyihii Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID ayaa muddooyinkii dambe faafinayey fariimo uu taageero ugu muujinayo kooxda Al-Shabaab oo in ka badan 15 sanno dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.
Weli Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland si rasmi ah uguma hadlin hadalka ka soo yeeray Faysal Cali Waraabe, oo la rumansan yahay in uu ka mid yahay siyaasiyiinta ku adag gooni isutaagga Somaliland, kuwaas oo nasiibka u yeelan in ay hoggaamiyaan Xukuumadda Hargeysa.