Buuq iyo sawaxan hareeyey kulankii maanta ee baarlamaanka soomaaliya

0
23

Sabti 19, April-2025 {HMC} –Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa baaqday, kaddib markii uu hareeyay buuq xooggan oo ay sameeyeen qaar kamid ah xildhibaannada.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Xildhibaanada u soo jeediyay in ay u Codeeyaan xil ka qaadista Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo horay lagu sheegay in uu Lumiyay Xubinnimada Golaha Shacabka.

Qaar kamid ah xildhibaannada ayaa ku qeylinayay in lagu daro mooshinka Xildhibaan Abiib, iyada oo guddoomiyaha Golaha Shacabka diiday, isaga oo ku tilmaamay in uusan ahayn mid sharci ah.

“Wixii dastuurka iyo xeer hoosaadka waafaqsan waan qabanayaa, wixii ka hor imaanayo ma qabanaayo, qofkii nidaam oggol waan la hadleynaa, xildhibaanadii buuqa sameeyay daraatood fadhigii dib baan u dhogay” ayuu yiri, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoowe.

Dhinaca kale, xildhibaannada ayaa dhankooda ku tilmaamay diidmada guddoomiyha in ay wax aka hor imaanaya xeer hoosaadka Golaha shacabka uu jebiyay.

Xildhibaan Caasho Koos ”Haddii Xildhibaanka Xasaanada uu ka qaado Dastuurka iyo xeer hoosaadka diyaar baanu u nahay ee hanoo sheego Guddoomiyuhu wuxuu u cuskaday”.

Sidoo kale, Xidhibaan Saadaq oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa tilmaamay in guddomiyaha uu sameeyay wax aan wanaagsaney, “Wixii maanta dhacay mas’uuliyadeeda waa leh Guddoomiyaha mooshin kii aan u geynay wuu diiday aflagado iyo hadalo aan wanaag saneen ayuu ku yiri Xildhibaanada.”

Dhanka kale, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in uusan guddomiyaha ka go’aan gaari karin xasaanadda xildhibaan ka tirsan Golaha, “Aadan Madoobe go’aan kama gaari karo Xasaanadda Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, saddex meelood laba kamid ah ayaa ka qaadi karta”.

Khilaafka soo kala dhex galay Guddoomiye Aadan Madoowe iyo Xildhibaannada ka tirsan Golaha Shacabka ayaa imaaneysa warqad uu Guddoomiyaha Golaga Shacabka soo saaray Bishii Maarso, taas oo tilmaameysay in uu Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib uu lumiyay xubinnimadiisa Golaha Shacabka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here