Axad 20 April 2025 {HMC} Warar kala duwan ayaa ka soo baxaayo Labo qof oo caawa lagu dilay Dagmada Bursaalax gobalka Mudug ee Maamulka Puntland.
Labada qof ee Caawa la dilay mid kamid ah waxa uu ahaa maamulaha shirkadda Golis waxaana lagu magacaabi jiray Burhaan xaashi, halka ninka kalane uu ahaa ganacsade laga yaqiinay deegaanka sida ay dadka bursaalax u shegeen Warbaahinta.
Si dhab ah looma oga sababta keentay dilka labadan qof ee Caawa lagu dilay Bursaalax balse wararka hordhaca ah ee ka soo baxaayo falka dilka ayaa lala xiriirinayaa Aano Qabiil.
Dhinaca kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Bursaalax iyo kan gobolka Mudug oo la xiriiro dilka loo geystay labada qof.