Axad 20, April-2025 {HMC} Israel weli kama tanaasulin inay weerar ku qaaddo xarumaha Nukliyeerka ee Iran bilihii soo socda, inkastoo Madaxweyne Donald Trump uu u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu in Maraykanku aanu hadda diyaar u ahayn inuu taageero tallaabo noocaas ah, sida uu sheegay sarkaal Israeli ah iyo laba qof oo kale oo arrintan xog-ogaal u ah.
Saraakiisha Israel ayaa ballan qaaday inay Tehran ka hor istaagi doonaan helitaanka hubka Nukliyeerka. Netanyahu wuxuu ku adkaystay in wada xaajood kasta oo lala galo Iran ay waajib tahay inuu horseedo burburinta dhamaystiran ee barnaamijkeeda Nukliyeerka.
Wada xaajoodayaasha Maraykanka iyo Iran ayaa Sabtidii Roma ku yeeshay wareegii labaad ee wada hadallada horudhaca ah ee arrimaha Nukliyeerka.
Bilihii lasoo dhaafay, Israel waxay usoo bandhigtay maamulka Trump dhowr ikhtiyaar oo lagu weerari karo xarumaha Iran, kuwaasoo qaarkood waqtigoodu ahaa guga dambe iyo xagaaga, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.
Qorshayaasha waxaa ka mid ah isku-dar duqeymo cirka ah iyo hawlgallo kommandoos ah oo kala duwan culeyskooda, kuwaasoo dib u dhigi kara awoodda Tehran ee hubaynta barnaamijkeeda Nukliyeerka bilo kooban ama sannad iyo wax ka badan, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.
Wargeyska The New York Times ayaa Arbacadii weriyay in Trump uu Netanyahu ugu sheegay kulan ka dhacay Aqalka Cad horaantii bishan in Washington ay doonayso inay mudnaanta siiso wada hadallada diblomaasiyadeed ee lala yeelanayo Tehran uuna diyaar u ahayn inuu taageero weerar lagu qaado xarumaha Nukliyeerka ee dalkaas muddada dhow.
Laakiin saraakiisha Israel waxay hadda aaminsan yihiin in militarigoodu uu taa beddelkeeda qaadi karo weerar xaddidan oo ku wajahan Iran kaasoo u baahan doona taageero yar oo Maraykan ah. Weerar noocan oo kale ah wuxuu si weyn uga yaraan lahaa kuwii ay Israel markii hore soo jeedisay.
Ma cadda in Israel ay qaadi doonto tallaabo noocan oo kale ah iyo goorta ay qaadi doonto, gaar ahaan iyadoo ay billowdeen wada hadallada heshiiska Nukliyeerka. Tallaabo noocan oo kale ah waxay u badan tahay inay ka fogeyn doonto Trump, waxayna halis gelin kartaa taageerada ballaaran ee Maraykanka ee Israel.
Qaybo ka mid ah qorshayaasha ayaa horey sanadkii hore loo hor dhigay maamulka Biden, sida ay wakaaladda Reuters u sheegeen laba sarkaal oo hore oo sare oo ka tirsanaa maamulka Biden.
Ku dhawaad dhammaantood waxay u baahnaayeen taageero laxaad leh oo Maraykan ah oo loo marayo faragelin militari oo toos ah ama wadaagid sirdoon. Israel waxay sidoo kale codsatay in Washington ay ka caawiso Israel inay is-difaacdo haddii ay Iran aargoosato.
Isagoo ka jawaabaya codsi falcelin ah, Golaha Amniga Qaranka ee Maraykanka wuxuu Reuters u gudbiyay hadallo uu Trump jeediyay Khamiistii, markaasoo uu weriyeyaasha u sheegay inuusan Israel ka hor istaagin weerar laakiin uusan “ku degdegayn” inuu taageero tallaabo militari oo ka dhan ah Tehran.
“Waxaan u malaynayaa inay Iran haysato fursad ay ku yeelato dal weyn oo ay si farxad leh ugu noolaato dhimasho la’aan,” ayuu yiri Trump. “Kaasi waa doorashadayda koowaad. Haddii ay jirto doorasho labaad, waxaan filayaa inay aad ugu xumaan doonto Iran, waxaana u malaynayaa inay Iran doonayso inay wada hadasho.”
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israel ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi faallo ah. Sarkaal sare oo Israeli ah ayaa Reuters u sheegay inaan weli go’aan laga gaarin weerar lagu qaado Iran.
Sarkaal sare oo dhanka amniga Iran ah ayaa sheegay in Tehran ay ka warqabto qorshaha Israel uuna weerarku kicin doono “jawaab adag oo aan leex-leexad lahayn oo Iran ka timaada.”
“Waxaan ka helnay sirdoon ilo lagu kalsoon yahay oo sheegaya in Israel ay qorsheyneyso weerar weyn oo lagu qaado goobaha Nukliyeerka ee Iran. Tani waxay ka dhalatay ku qanacsanaan la’aanta dadaallada diblomaasiyadeed ee socda ee ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka Iran, iyo sidoo kale baahida Netanyahu ee colaad si uu siyaasad ahaan ugu badbaado,” ayuu sarkaalku u sheegay Reuters.
Diidmada maamulka Biden
Netanyahu wuxuu diidmo kala kulmay maamulka Biden markii uu soo bandhigay nuqul hore oo qorshaha ka mid ah. Saraakiishii hore ee sare ee Biden waxay sheegeen in Netanyahu uu doonayay in Maraykanku uu hoggaamiyo duqeymaha cirka laakiin Aqalka Cad ee Biden uu Israel u sheegay inuusan aaminsanayn in weerarku yahay mid xikmadaysan ilaa Tehran ay u dhaqaaqdo inay dardargeliso kobcinta walxaha Nukliyeerka ama ay dalka ka ceyriso kormeerayaasha.
Saraakiisha Biden waxay sidoo kale su’aal geliyeen heerka uu militariga Israel si wax ku ool ah u fulin karo weerar noocaas ah.
Saraakiil hore iyo khubaro ayaa muddo dheer sheegayay in Israel ay u baahan doonto taageero militari oo laxaad leh oo Maraykan ah – iyo hub – si ay u burburiso xarumaha iyo keydka Nukliyeerka ee Iran, kuwaasoo qaarkood ku yaal dhismayaal dhulka hoostiisa ah.
Inkastoo weerarka militari ee xaddidan ee ay Israel ka fiirsanayso uu u baahan doono kaalmo toos ah oo yar – gaar ahaan qaabka diyaaradaha bambooyinka Maraykanka ee tuura gantaalada dhulka hoostiisa gala ee gaari kara xarumaha sida qotada dheer loo aasay – Israel waxay weli u baahan doontaa ballan qaad Washington ah inay ka caawin doonto Israel inay is difaacdo haddii ay Tehran weerarto kaddib, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.
Weerar kasta wuxuu sidi lahaa khataro. Khubarada militariga iyo Nukliyeerka waxay sheegeen in xitaa awood militari oo ballaaran la isticmaalo, weerarku uu malaha kaliya si ku meel gaar ah dib ugu dhigi doono barnaamij ay Reer Galbeedku sheegeen inuu ujeedkiisu yahay inuu aakhirka soo saaro bambo Nukliyeer ah, inkastoo Iran ay dafirtay.
Saraakiisha Israel ayaa Washington u sheegay toddobaadyadii la soo dhaafay inaysan aaminsanayn in wada hadallada Maraykanka ee Iran ay u gudbaan heerka heshiis gaarista iyadoo aan la helin dammaanad qaad ah in Tehran aysan heli doonin awood ay ku abuurto hub Nukliyeer ah.
“Tan waxaa lagu samayn karaa heshiis, laakiin kaliya haddii heshiiskani yahay mid u eg kii Liibiya: Way gudaha u galayaan, qarxinayaan xarumaha, burburinayaan dhammaan qalabka, iyagoo hoos imanaya kormeerka Maraykanka,” ayuu yiri Netanyahu kadib wada hadalladii uu la yeeshay Trump. “Suurtagalnimada labaad waa… inay (Iran) jiidaan wada hadallada ka dibna waxaa jira doorashada militari.”
Marka laga eego aragtida Israel, tani waxay noqon kartaa xilli wanaagsan oo weerar lagu qaado xarumaha Nukliyeerka ee Iran.
Xulafada Iran ee Hamas ee Gaza iyo Hezbollah ee Lubnaan waxaa ku habsaday duqeymo Israel tan iyo markii uu billowday dagaalkii Gaza, halka dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee Yemen ay bartilmaameedsadeen duqeymaha cirka ee Maraykanka. Israel waxay sidoo kale si xun u waxyeeleysay nidaamyada difaaca hawada ee Iran Oktoobar 2024.
Sarkaal sare oo Israeli ah, oo la hadlayay weriyeyaasha horaantii bishan, wuxuu qiray inay jirto xoogaa degdeg ah haddii hadafku yahay in weerar la qaado ka hor inta aysan Iran dib u dhisin difaaceeda hawada. Laakiin sarkaalka sare wuxuu diiday inuu sheego wax jadwal ah oo ku saabsan tallaabada suurtagalka ah ee Israel wuxuuna sheegay in ka hadalka arrintani ay noqon doonto “wax aan macno lahayn”.