MW xasan sheekh oo kulan la qaatay ra”iisul wasaarihii hore ee dalka shirdoon

0
17

Axad 20, April-2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Aqalka Madaxtooyada kulan kula qaatay Cabdi Faarax Shirdoon oo haray usoo noqday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya muddadii u dhaxeysay 2012 ilaa 2013.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya, iyaga oo isla qaatay muhiimadda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo garab istaagga Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa Talaadadii lasoo dhaafay gaaray magaalada Muqdisho, iyada oo safarkiisa ay ku weheliyeen siyaasiyiin dalka xilal kala duwan hore uga soo qabtay.

Maalinimadii Khamiista ayuu si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha dalka ee May 2026, isaga oo sidoo kale shaaciyay Xisbi siyaasadeed oo uu hoggaamiye iyo musharax u yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here