Axad, 20 April , 2025 {HMC} Faarax Caydiid Jaamac (Bariis), oo ka mid ahaa saraakiisha ka tirsan qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe, isla markaana ahaa khabiir dhanka amniga ah, ayaa habeenimadii xalay lagu dilay magaalada Laascaanood oo ah xarunta maamulka SSC-Khaatumo.
Faarax ayaa la sheegay in lagala baxay guri uu ka deganaa magaalada Laascaanood, waxaana meydkiisa laga helay dooxada Ceelka Goojacade, oo lagu tuuray kadib markii la dilay.
Meydka Faarax ayaa waxaa ka muuqda calaamado jirdil iyo rasaas. Inta aan la dilin ka hor, waxaa laga qaatay telefoonkiisii gacanta.
Sarkaalkan ayaa qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe ugu magacownaa la socodka iyo taageeridda muwaadiniinta Itoobiya ee socdaalka ah. Faarax ayaa xilkaan loo magacaabay sanadkan 2025, sida ku xusan warqadda magacaabista oo ay aragtay Warbaahinta.
Ilaa hadda maamulka SSC-Khaatumo kama aysan hadlin falka dilka ah ee loo geystay sarkaalkan ka tirsanaa qunsuliyadda Itoobiya.
Dilkan oo aad looga argagaxay, ayaa waxaa laamaha amniga looga fadhiya inay baaris dhab ah ku sameeyaan kiiskan xasaasiga ah, maadaama sarkaalkan la dilay uu ka hawl-galayay qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe.