Wararkii ugu Dambeeyay Ciidamada Puntland oo hawlgal ka fuliyay Calmiskaad

0
20

Axad 20, April-2025 {HMC} Ciidamada difaaca Puntland ayaa hawlgal ka fuliyay buuraha Calmiskaad, iyaga halkaas ka sifeeyay buuraha isku xira labada tog ee Miraale iyo Moqor, halkaas oo ay ciidamada Difaaca Puntland ku dileen xubno ka tirsan Daacish.

War qoraal oo lagu soo qoray xafiiska Warbaahinta u qaabilsan hawlgalka Calmiskaad, ayaa lagu sheegay in ujeedka hawlgalka uu ahaa in halkaas laga sifeeyo xubnaha Daacish aagga togga Moqor.

“Ciidanku waxay saaka hawlgal ka wadaan inta u dhexeysa Miiraale iyo Moqor, Iyadoo ujeedku yahay sifeynta firxadka Argagixisada wixii u cararay dhinaca u rogan togga Moqor”, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska warbaahinta.

Ciidamada difaaca Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeya sii laba jibaaray hawlgalladooda buuraha Calmiskaad ee ka dhanka ah Daacish, iyada oo waqti sii horreysay uu Madaxweynaha Puntland ku dhawaaqay wejiga seddexaad ee dagaalka ka dhanka ah Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here