Axad 20, April-2025 {HMC} Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad lagu dhagax dhigayo isbitaalka dadweynaha ee Forlanini/Lansaleti, qeybtiisa gurmadka deg-deg ah kaas oo lafilaayo in loo dhiso hab casri ah.
Munaasabadda dhagax dhigga ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar kamid ah masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan.
Wasiirka ayaa tilmaamay in aad loogu baahnaa isbitaalkaan dhagax dhiggiisa, isaga oo tilmaamay in uu qeyb weyn ka qaadan doono xaaladaha deg-deg ah, iyada oo tibaaxay in uu isbitaalka yeelan doona qeybaha kala duwan ee adeegyada guud.
“Baahida ugu badan ee maanta dalka iyo dadka qabaan waxa waaye in la helo Isbiltaallo (Emergency)- deg-deg ah, sidaas ay tahay na isbitaalka waxa uu u shaqeyn doonaa Isbitaal guud, waxa uu ywwlan doonaa qeybha kala duwan”, ayuu yiri, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr. Cali Xaaji.
Isbitaalkaan ayaa horay u haan jiray isitaalka daaweynta dhanka cudurrada dhimirka, iyada oo dib u dhis lagu sameynayaa kaddib burburkii gaaray.