Dowladda Soomaliya oo Si Adag Uga Hortimid Talaabo aay Qaaday Puntland

0
17

Isniin, 21 April , 2025 {HMC} Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaloiya ayaa sharci darro iyo khalad mas’uuliyadeed ku tilmaantay tallaabadii uu Madaxweynaha Puntland qaaday ee ah inuu maamulkiisa sameysanayo Aqoonsi gaar ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa ka mid ahaa: “Tallaabada uu qaadey Madaxweynaha Puntland ee ah sameynta Aqoonsi kale oo lagu carqaladeynayo Aqoonsiga Qaranka (Lr. 04, 09/04/2025), waa khalad masuuliyadeed iyo sharciyadeed, waana mid si toos ah ugu xadgudbeya hannaanka dowladnimadda dalka. Waana jahwareer iyo nidaam daro dowladeed. Ficiladda noocan ahi wax sal iyo raad ah kuma lahan aragtiyadda dowladnimo iyo masuuliyad Qaran. Kamana muugato lixjeclo iyo dan-qasho ummadeed”ayaa lagu yiri qoraalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here