Mareykanka oo Duqeyn culus ka fuliyay caasimadda dalka Yemen.

0
24

Isniin, 21 April , 2025 {HMC} Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay, halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib duqeyn ciidamada Mareykanka ay ka fuliyeen caasimadda Yemen, sida ay sheegteen fallaagada Xuutiyiinta ee dalkaas ka dagaallama.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in duqeyntu ay si gaar ah u bartilmaameedsatay suuq ku yaalla xaafadda Farwa ee degmada Shuub, taasoo horey ugu jirtay meelaha si gaar ah loogu duqeeyay.

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo weerarka, sidoo kalena ma uu caddeyn khasaaraha rayidka ka dhashay duqeynta.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Mareykanku uu kordhiyay duqeymaha uu ka wado gudaha Yemen, si uu u cadaadiyo kooxda Xuutiyiinta oo weerarro la beegsata maraakiibta maraysa badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Xaaladda magaalada Sana’a ayaa weli kacsan, iyadoo shacabka Yemen ay cabsi ka muujinayaan duqeymaha sii kordhaayaa ee Mareykanka fuliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here