Ciidamada deegaanka oo weerar ku qaaday xubno ka tirsana AS oo ku sugnaa gudaha deegaanka Aboorey.

0
61

Arbaco 23, April 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ciidamo deegaanka ah iyo AS ku dhexmaray deegaanka Aboorey ee ka tirsan gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii Ciidamo deegaanka ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsana AS oo ku sugnaa gudaha deegaanka Aboorey.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka, inkasta oo aan la xaqiijin karin tirada rasmiga ah.

Saraakiisha Ciidanka oo la hadlay warbaahinta Hiiraanweyn ayaa sheegay in sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah AS ee ay ka wadaan aaga deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan.

Deegaanka ayaa dagaal ka socdaa maalmo badan, waxaana la wareegay AS, inkasta oo ciidanka Dowladda iyo dadka deegaanka ku dadaalayaan la wareegidiisa.

tan iyo markii kooxda AS la wareegtay Degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabelada dhaxe ciidamada deegaanka Gobolka Hiiraan ayaa kooxda ku qaadayay weerar isdaba joog ah iyagoo gaarsiiyay qasaaro fara badan.

Ciidamada Dowladda iyo dadka deegaanka ayaa howlgallo iyo dhaqdhaaqyo ka wada deegaannada ay ku sugan yihiin AS ee ku yaalla gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here