Arbaco 23, April 2025 {HMC} Sagaal qof ayaa ku dhintay, ka dib duqayn diyaarada aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ay u gaysteen bas ay saarnaayeen shaqaale magaalada dhacda bartamaha-Koonfureed ee dalka Ukrain, sida ay saraakiishu sheegeen,
Weerarka ayaa dhacay subaxnimadii Arbacada, iyada oo hogaamiyaha gobolka, Serhiy Lysak uu sheegay ugu yaraan 30 qof ay ku dhaawacmeen, waxaana dhibanayaasha kale ee waxyeeladu gaartay ay sii kordhayaan.
Weerarka ayaa ku soo beegmay, iyada oo wadahadalada London ee lagu doonayay in lagu helo xabad joojin u dhaxaysa Ruushka iyo Ukrain hoos loo dhigay, iyada oo xooghayaha arimaha dibadda Maraykanka Marco Rubio iyo ergayga gaarka Steve Witkoff aysan ka sii qaybgali doonin.
Sawiro ayaa la arkayay muujinaya burburka ka soo gaaray baska saqafkiisa kore, muraayadaha iyo albaabadiisa
Waxaa sidoo kale maalinkii labaad duqeymo ay ka dhaceen magaalada Kharkiv oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ukraine oo ku taalla bariga dalkaasi.