Arbaco 23, April 2025 {HMC} Dabley hubaysan oo loo malaynayo inay ahaayeen Alshabaab ayaa galinkii dambe ee shalay ka qafaashay inta u dhaxaysa Wargaduud iyo Ceelwaaq oo ka tirsan ismaamulka Mandheera, labo qof oo mid ka mid ah uu ahaa farsamayaqaan shirkad isgaarsiineed.
Midka kale oo ahaa darawal ayaa kooxdii afduubka gaysatay ay sii daayeen, waxaana hadda gacantooda ku jira ninka farsamayaqaanka ahaa iyo gaarigii ay la socdeen.
Dhinaca Soomaaliya ayaa la tuhunsan yahay in ay kooxda afduubka gaystay ay ula gudbeen,