Arbaco 23, April 2025 {HMC} Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeeyso Dagaal Culus oo ka dhacay duleedka deegaanka Aboorey oo hoostaga degmada degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan .
Dagaalka waxaa qaaday Ciidamada deegaanka. waxaana lagu qaaday goob ay isku aruursanayeen Xubno ka tirsan ururka Al-shabaab. dadka deegaanka ayaa Hiiraanweyn usheegay in Dagaalka oo ahaa mid aad u xoogan kaasi oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhawac ah.
Saraakiisha Ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ayaa Hiiraanweyn usheegay in jab xoogan lagu gaarsiiyay Xubnahii Al-shabaabka ahaa ee ku sugnaa duleedka deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan.
Deegaanka Abooreey waxaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay ka dhacay dagaalo qaraar oo ciidanka Macawiisleeyda ku doonayeen in kooxdu kaga saareen deegaanka, hayeshee waxaa la tilmaamay in kooxdu isugu geysay awoodeeda ciidan difaacashada deegaankaan.