{DAAWO SAWIRADA} Ciidamo Jabuuti ah oo dhameeystay Waqtigii Howlgalka oo Dib loogu celiyay Dalkooda.

0
31

Khamiis 24 April 2025 {HMC} Qoraal iyo sawiro lagu baahiyay Barta bulshada ee howlgalka cusub ee soomaaliya ee Lagu magacaabo AUSSOM ayaa lagu sheegay in dib loogu celiyay dalka jabuuti Ciidamo u dhamaaday waqtigii howlgalka.

Taliyaha Qeybta 4-aad ee AUSSOM, G/Sare Said Waaberi, iyo saraakiil sare ayaa Talaadadii sagootiyay ciidanka Jabuuti ee mudo howleedkooda dhameystay, xafladda aya ka dhacday daroonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne, Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Ciidanka Jabuuti ee ka howlgalayay magaalooyinka istaraatiijiga ah ee Jalalaqsi iyo Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa xoojiyay amniga, maamulka deegaanka, kana qayb qaatay hawlgallada ka dhanka ah argagixisada ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here