Faahfaahino AS oo Weerar ku Bilowday qaraxyo ku qaaday Deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Sh/Dhexe

0
24

Khamiis 24, April 2025 {HMC} – Faah-faahinno duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku billowday oo ay saaka AS ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay ku leeyihiin deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana xigay dagaal culus oo toos ah.

Maleeshiyaadka AS ayaa lasoo warinayaa in weerar culus ay ku qaadeen deegaankaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo Macawiisleyda, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in weerarka qaraxyada ah iyo dagaalka ay ka dhasheen khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse aan weli la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.

Dagaal u dhexeeya ragga weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ayaa weli ka socda halkaasi, wuxuuna kusii fiday qaybo horleh oo kamid ah ggobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha AS weerarkooda uu xoogan yahay, ayaga oo si kasta iskuugu dayayo inay cagta mariyaan saldhigyada ciidamada ee ku yaalla halkaasi, si ay kadib ula wareegaan, waxaase soconyo iska caabin ay wadaan ciidamada huwanta.

Labada dhinaca ayaa guullo ka kala sheegtay dagaalkan, waxaana Al-Shabaab ay baahisay in dagaalyahannadeeda ay gudaha u galeen deegaanka lagula dagaalamay, isla markaana ay halkaasi ka wadaan howlgallo culus.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in ciidamadu ay iska caabiyeen weerarka lagu qaaday, isla markaana maydad badan ay daadsan yihiin Wargaadhi, sida uu shaaciyay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.

“Khawaarijta Maydkooda ayaa daadsan Wargaadhi, insha allaah Dalkaan Khawaarij kuma lahan Mustaqbal, ismaqiiqoodu waa xunbo idamka alle” ayuu yiri Cabdiraxmaan Al-Cadaala

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana labada dhinac ay helayaan gurmadyo, taas oo uga sii dareyso dagaalka ka socda halkaasi.

Al-Shabaab ayaa horay degmada Aadayaan Yabaal, waxayna weli isku sii fidineysaa qaybo badan oo kaid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Al-Shabaab ayaa inta badan weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

Si kastaba, Labada Shabeelle ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi oo daris la ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here