Wiil soomaali ah oo lagu dilay dalka koonfur afrika

0
26

Khamiis 24, April 2025 {HMC} –Labo wiil oo Soomaali ah , ayaa xalay lagu dilay deegaanka kraaifontein oo hoostaga magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, waxaana wiilashadan la sheegay in ay dileen kooxo burcad hubeysan oo ku weerartay goob ganacsi ay joogeen.

Burcad hubeysan oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika, ayaa wiilashadan ku dhax toogtay dukaan ay ka shaqeenayeen, waxaana burcada la sheegay in dilka kaddib goobtaasi ka qaateen lacago iyo agabyo kale oo muhiim ah oo dukaanka yaallay.

Ciidamo katirsan booliiska dalka Koonfur Afrika oo tagay goobta dilka ka dhacay, ayaa sheegay in ay baarayaan dilkan loo geestay labada wiil ee Soomaalida ah, waxa ayna booliiska sheegeen in ay soo qabanayaan burcadii dilkaasi geesatay.

Dalka Koonfur Afrika, ayaa si joogta ah waxaa loogu dilaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi nolosha u raadsatay, waxaana dalkaasi noloshooda ku waayay kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaa oo mustaqab dhaama kii dalkooda u raadsaday, balse noloshooda halkaasi si micnodarro ah loogu dhaafiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here